Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Khilaaf ka taagan Magacaabista guddiga Doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka Galmudug

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi laga dareemayo khilaaf ka taagan magacaabista guddiga doorashooyinka iyo xalinta Khilaafaadka Galmudug.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeenayaa in iyadu rabto in ay magacawdo guddi jeebkeeda ah, waxaana arintaasi cabasho ka muujinaya Kooxda Ahlu Sunna, beelaha qaar iyo maamulka waqtigiisu dhamaaday uu hogaamiyo Xaaf.

Waxaa wali socda wadahadalo looga arinsanayo magacaabista guddiga doorashooyinka iyo midka xalinta khilaafaadka, waxaana suurto gal ah in khilaafkan dib usii dhigo magacaabista guddiyadan.

Beelaha qaar ayaa doonaya in la tashi lagala sameeyo magacaabista guddiga si ay ugu matalayaan xubno ay iyagu raali ka yihiin, waxa ayna beelaha qaar ka cabsanayaan dad aan raali galin karin in liiska loogu soo daro.

Dowlada federaalka ayaa horey u magacawday guddiga dib u heshisiinta beelaha dega Galmudug, waxa ayna hadana dowlada dooneysa in ay magacawdo guddiga doorashooyinka si aysan gacanta uga bixin qorshaha dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

 

Related posts

Taliyaha Booliska Somalia oo shaaciyey inuu xaliyey musuq ka jiray xarunta CID-da

Caydiid Ali

(Sawirro) Deni iyo wafdi uu horkacayo oo si diiran loogu soo dhoweeyey degmada Carmo

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---