Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Bangiyo waa weyn ku amray in maal galin ku sameeyaan Eeyaha Alabay !!

Madaxweynaha dalka Turkmenistan Gurbanguly Berdimuhamedov ayaa wareegto uu soo saaray ku amaray bangiyada dalkiisa in ay maalgeliyaan mashaariicda lagu hormarinayo tirada eeyda yaryar ee loo yaqaanno Alabay.

Bangiyada kuyaala dalka Turkmenistan ayaa  lagu amray in bangi kasta uu maalgelinta uu ku yeesho saami gaaraya 12.5% boqolkiiba, waxa uuna sheegay Madaxweynaha in muhiim tahay in la maal galiyo eeyaha yar yar.

Madaxweyne Gurbanguly Berdimuhamedo ayaa la tilmaamaa in uu yahay nin aad u jecel xayawaanaadka gaar ahaan eeyda yaryar ee loo yaqaanno Alabay, waxaana marar badan telefishinada kasoo muuqday isaga oo xayawaankaasi gacanta ku haya .

Waxa uu horey u qoray Madaxweynaha dalka Turkmenistan buug uu uga hadlayay taariikhda iyo waxtarka eyga Alabay,  waxa uu sidoo kale Madaxweynaha Sannadki 2018-kii ku dhawaaqay inuu yahay sannadkii eeyaha.

Eeyga loo yaqaan Alabay oo ah nuuc la carbisto ayaa ku badan wadamada kuyaala bartamaha qaarada Aasiya, waxaana Eeyga Alabay  durbaba lagu daray hantida ma guurtada ee uu qaranka Turkmenistan leeyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Qarax Xoogan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Wasiir shaaciyay tirada Xildhibaannada mucaaradka ku ah Xukuumadda

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Abiy oo ka hadlay Dagaal dhax maray Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Sudan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---