Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Laftagareen oo arrimo kala duwan kala hadlay Mike Nithavrianakis (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ingiriiska ufadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis iyo wafdi uu Hoggaaminayey oo maanta Safar shaqo ku gaaray Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay Amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, Taageerida dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab.

Laftagareen iyo Danjire Mike ayaa kawada hadlay wax ka qabashada abaaraha iyo sidii loo Dardar-gelin lahaa mashaariicda dowladda Ingriiska ay waddo deegannada Koonfur Galbeed.

Dowladda Ingiriiska ayaa mashaariic kala duwan ka fulisa deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, waxa ay sidoo kale ka caawisaa tababarada ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.

Related posts

Jaamac Kabaweyne oo iska diiday xil loo magacaabay iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Somaliland oo saldhig milatari Mareykanka ka siineysa Berbera si ay …

Cabdi Cade

Qarax dad badan lagu dilay oo maanta ka dhacay duleedka Balcad

Cabdi Cade
Taboola Ads ---