Allbanaadir.com
NEWS

Jaamac Kabaweyne oo iska diiday xil loo magacaabay iyo Sababta ka dambeysa

Wareegto kasoo baxday Wasaarada Arimaha Gudaha Maamulka Hirshabelle ayaa xilka Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Maaliyada ee gobolka Hiiraan waxaa loogu magacaabay Jaamac Faarax (Kabaweyne) oo kamid ah Ganacsatada Baladweyne.

Jaamac Kabaweyne oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xilkan loo magacaabay aan wax wadatashi ah lagala sameyn, waxa uuna tilmaamay in magacaabistiisa ka maqlay Idaacadaha sidoo kale Warbaahinta ka dhageestay.

” Xilkan la ii magacaabay Idaacadaha ayaan ka maqlay wax wadatashi ah la igalama sameyn, waxaan ahay ganacsade dukaan ku leh magaalada Baladweyne wax xil ahna ma weediisan kamana rabo maamulka Hirshabelle ” Ayuu Yiri Jaamac Kabaweyne.

Jaamac Kabaweyne ayaa ugu baaqay Maamulka Hirshabelle in ay ka digtoonaadaan xilalka ay u magaacabayaan dadka aan rabin, waxa uuna kula taliyay maamulka Hirshabelle in wadatashi ka sameeyaan xilalka ay magaacabayaan.

Maamulka Hirshabelle ayaa horey xilal aysan wadatashi ka sameyn waxa ay u magacaabeen shaqsiyaad kala duwan, waxaana maamulka u muuqdaa mid ku fududaada magacaabista Xilalka maamulkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Rooble oo balan-qaad u sameeyey waxgaradka degmada Cadaado (Sawirro)

Caydiid Ali

Qaramada Midoobay oo ka hadashay Heshiiskii Golaha Wadatashiga Fariina u dirtay

Cabdi Cade

Wasiiradii Dhaqanka dowlada Baxreyn oo sabab yaab leh xilka looga qaaaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---