Allbanaadir.com
NEWS

Guri dhismihiisa ka socday Muqdisho oo dumay iyo Khasaaro dhimasho oo ka dhashay

Guri dabaq ah oo laga dhisayay magaalada Muqdisho, gaar ahaan laami yaraha Soobe ayaa kusoo dumay shaqaalihii dhisayay, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay guriga oo dhismihiisu bilow ahaa ayaa waxaa soo dumay godka hoose ee loo diyaarinayay shubka dabaqa, waxaana xilliga uu dumayay halkaasi ka socday shaqo ay wadeen injineerada iyo shaqaalaha kale ee hooshaasi waday.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay godka kusoo dumay guriga dhismaha ka socday, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo qof oo kale kuwaa oo loola cararay xarun caafimaad oo xaaladooda lagula tacaalayo.

Goobta uu guriga dhismaha ka socday kusoo dumay waxaa gaaray masuuliyiin katirsan maamulka degmada Wadajir iyo ciidamo booliis ah, waxaana socda baaritaano ku aadan sida u dhacay falkan dhimashada sababay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xog: Farmaajo oo qorshe halis ah ka damacsan ciidamo maanta la keenay Muqdisho

Caydiid Ali

DEG DEG: Puntland oo go’aan adag ka soo saartay qorshaha wax ka bedelka dastuurka

Caydiid Ali

Dacwado ka dhan ah Dowlada Soomaaliya oo loo gudbiyay Maxkamada Caalamiga ee ICC

Cabdi Cade
Taboola Ads ---