Dhismaha Waddo muhiim ah oo kutaalla Muqdisho oo la dhagax-dhigay (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay dhismaha wadada laamiga ee isku xirta isgoosyada KPP iyo Albaraka.

Dhagax-dhiga wadadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir, waxaana dhismaha wadadaan iska kaashanaya maamulka gobolka Banaadir, bulshada degmada Hodan iyo Rugta ganacsiga Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in maamulkiisa uu ahmiyad gaar ah siinayo dhismaha wadooyinka caasimadda, si Kaabayaasha iyo bilicda caasimadda loo horumariyo.

Wadadan la dhisayo ayaa sannadihii lasoo dhaafay aheyd mid si weyn u bur bursan oo dhib ku qabeen dadka iyo deegaanka , waxaana dhismaha wadadan kusoo aadeysa xilli dib u dhis lagu wado wadooyin kale oo caasimadda kuyaalla.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -