Wasiirka difaaca & Jen. Odowaa oo markab dagaal kula kulmay Gen. Townsend (Sawirro)

Wasiirka Gaashaandhigga Somalia Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka XDS Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage waxay kulan la qaateen Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM).Gen. Stephen Townsend.

Kulankan ayaa ka dhacay markabka dagaalka ee dayuuradaha qaada oo la yiraajdo Ā USS Makin Island (LHD 8) kaasoo ka howlgalaya xeebta Soomaaliya bishan Janaayo, kana qeyb qaatay ciidamadii Maraykanka ee Somalia laga saaray.

Masuuliyiinta labada dhinac ayaa ka wada hadlay iskaashiga iyo Xiriirka Milatari ee labada DowladoodĀ  iyo dardargalinta dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeeray argagixisada.

Sidoo kale waxa laga wada hadlay taageerada Mareykanka ee Ku aadan Tababarada Ciidanka XDS iyo sidii loo soo xoojin lahaa.

Townsend wuxuu carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’antahay Taliska Mareykanka ee Afrika ee Soomaaliya iyo dadaallada sii socda ee lagula dagaallamayo khatarta ay al-Shabaab.

“Al-Shabaab waa cadow arxan daran oo khatar ku ah Ameerika iyo Afrika, Waxaan sii wadaynaa inaan si dhow ula shaqeyno saaxiibadeena si loo yareeyo awooda Al-Shabaab” ayuu yiri taliyaha.

Townsend wuxuu sidoo kale la kulmay Taliyaha Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Lt. Gen. Diomede Ndegeya oo ka socda Burundi iyo madax kale, iyagoo ka wada hadlay muhiimada howlgalladooda nabad ilaalinta ee Soomaaliya iyo Bariga Afrika oo dhan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -