Mid kamid ah dowladaha Yurub oo kordhineysa taageerada booliiska Somalia (Daawo Sawirada)

Dowlada Talyaaniga ayaa balan qaaday in ay kordhineyso taageerada ay siiso ciidanka booliiska Soomaaliya , waxa sidoo kale dowlada Talyaaniga sheegtay in gacan ka geesaneyso dib u dhiska ciidanka.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Carlo Campanile iyo saraakiil kale oo katirsan dowlada Talyaaniga.

Kulanka ayaa intii uu socday waxa ay labada dhinac uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya booliiska Soomaaliya iyo booliiska Talyaaniga iyo sidii dowlada Talyaaniga gacan uga geesan laheyd dib u dhiska iyo horumarka ciidanka booliiska.

Safiirka dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya danjire Carlo Campanile, ayaa ballan qaaday in dawladdiisa ay kordhin doonto taageerada dib loogu dhisayo ciidanka booliiska Soomaaliyeed, waxa uuna amaanay shaqada adag ay hayaan booliiska.

Dowlada Talyaaniga ayaa kamid ah dowladaha taageera  Soomaaliya, waxa ayna Talyaaniga kamid yihiin dowladaha Yurub ee dowlada Soomaaliya ka taageerada dhinaca tababarida ciidanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -