Twitter oo dhibane u noqday hardanka u dhexeeya Trump & Ilhan Cumar

Shirkadda Twitter ayaa ka jawaabtay su’aalo adag oo kaga yimid Senator Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congresska Maraykanka taasoo ku eedeeysay in shirkaddu aysan dhexdhexaad aheyn.

Ilhaan Cumar iyo madaxda shirkadda ayaa ka wadahadlay mowqifka shirkadda ee ku aadan muuqaal uu madaxweyne Trump soo dhigay oo markii dambe horseeday in dil loogu hanjabiyo xildhibaannada Soomaalida ah ee Aqalka Congreska ka tirsan.

Trump ayaa soo dhigay muuqaalkii hore ee daaraha Maraykanka ee diyaaradaha lagu qarxiyay 11 Sabtembar ee sannadkii 2001, isagoo ku soo daray qayb ka mid ah hadal ay Ilhaan tiri balse lakala reebay.

Ilhaan hadalkeeda qaybta laga soo jaray een la dhamaystirin waxay uga hadlaysay Islaam nacaybka ku faafaya Maraykanka iyo meelo kale.

Agaasimaha shirkadda Jack Dorsey ayaa khadka taleefanka kula hadlay Ilhaan waxayna waydiisay sababta ay muuqaalkaas ugu ogolaadeen in Twitterka lagu baahiyo balse Dorsey ayaa isku difaacay in muuqaalka Madaxweynuhu uusan meel uga dhicin shuruucdii u deganayd Twitter-ka.

Twitterka oo war qoraal ah soo saaray ayaa adkeeyay inay Twitterka mamnuuc ka tahay in dil la isugu hanjabo, dadka la kiciyo ama nacayb lagu faafiyo.

Sidoo kale, Madaxaweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Aqalka Cad kula kulmay Jack Dorsey oo wax ka aasaasay barta Twitter si ay uga wada hadlaan baraha bulshada.

Shirkadda Twitter oo war qoraal ah soo saartay ayaa sheegtay in labada masuul ay ka wada hadleen sidii loo difaaci lahaa sheekaysiga caafimaadka qaba ee bulshada, waxayna shirkadu madaxweynaha ka dalbatay inuu aad uga fiirsado ereyada uu ku soo qorayo boggiisa Twitterka, iyadoo shirkadu u muuqato iney dhibane u noqotay hardanka u dhexeeya Madaxweyne Trump iyo Ilhan Cumar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -