Aabaha dhalay Gabadhii Darteed loo gubay Axmed Dowlo oo Fariin Xasaasi ah soo diray

Waxaa wali si weyn loo hadal hayaa guurkii sababta u noqday in la dilo kadibna la gubo Aabe  Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Axmed Dowlo , waxaana dhacdadan noqotay mid si weyn loo cambaareeyay.

Lamaanaha guurkooda sababta u noqday in la dilo Wiilka adeerkiis arimo la xariira heeb sooc ayaa waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku aadan guurka la sheegay in uu dhax maray Ruqiyo Cabdulaahi iyo  Maxamed C/Raxmaan Mukhaar.

Warar horey loo shaaciyay ayaa sheegayay in aabaha dhalay gabadhan uu bixiyay kuna daray wiilka ay is jeclaadeen, hasa ahaatee waxaa hada soo baxaya war ka duwan warkii horey loo sheegay.

Cabdulaahi Maxamed Axmed oo ah Aabaha dhalay Ruqiyo ayaa Wareysi uu bixiyay ku sheegay in uusan gabadhiisa bixin kuna darin wiilka ay raacday, waxa uuna sheegay in gabadhiisa laga boobay xoogna looga heesto.

”Gabadheeda Walaayadeeda anaa leh ma dhiibin mana arag ninkaas, gabadheeda waa la iga boobay waxaana leeyahay Xildhibaanada iyo dowlada arinta guurkan haka waantoobaan” Ayuu yiri Aabe Cabdulaahi Axmed.

Aabahan Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dowlada Soomaaliya in gacan ku siiso sidii gabadhiisa oo laga boobay loogu soo celin lahaa,waxa uuna uga digay Xildhibaanada iyo dadka kale ee qaban qaabinaya guurka uusan raaliga ka aheyn.

Hadalka aabahan ayaa meesha ka saareysa hadalo horey loo sheegay oo ahaa in aabaha gabadha uu wiilka ay la baxsatay ku daray balse hooyada gabadha iyo xubno kale oo guurkaasi kasoo horjeeday dileen Wiilka gabadha la baxsaday adeerkiis Axmed Dowlo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -