War cusub oo ka soo kordhay xarigii heyadda NISA u geysatay Cabdalla Axmed Muumin

Xoghaya guud ee ururka u dooda xuquuqda suxufiyiinta Soomaaliya ee SJS Cabdalla Muumin, ayaa qaab damiin ah xabsiga looga soo daayay, kaddib muddo lix maalmood oo uu u xirnaa hay’adaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed Ibraahim Bulbul oo ah sarkaal ka tirsan SJS ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin soo deynta Cabdallad Muumin, wuxuuna sheegay in damiinkan oo ah muddo 45 cisho ah ay kadib ogaan doonaan halka kiiskan u jiheysto.

Cabdalla Muumin oo lagu xiray garoonka Aadan Cadde xilli uu doonayay inuu garoonka ka dhoofo, ayaa subaxnimadii hore ee saaka lasoo taagay maxkamadda gobolka Benaadir ee magaalada Muqdisho, iyadoo dacwad oogeyaashu ay awoodi waayeen inay caddeeyaan dembiga uu galay, sida ay sheegeen saraakiisha SJS.

Waraaradda Warfaafinta dowladda Federaalka ayaa dhawaan iska fogeysay ku lug lahaanshaha xarigga suxufigan, iyadoio sheegtay in inuu u xiran yahay heyadaha amaanka dowlada.

Ururrada warbaahinta gudaha iyo dibadda ayaa xarigga Muumin walaac ka muujiyay, iyaga oo sidoo kale shaki geliyay nooca eedeymaha loo heystay.

Xariga ururka u dooda xuquuqda suxufiyiinta Soomaaliya ee SJS Cabdalla Muumin ayaa loo aaneynayaa markii uu ka hor yimid amar ka soo baxay dowlada oo warbaahinta looga dalbaday ineysan baahin karin wararka Al-shabaab.

Cabdalla Muumin ayaa sheegay in amarka dowlada uu halis ku yahay badqabka iyo nabadgelyada suxufiyinta iyo warbaahinta gudaha ka howlgasha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -