Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Federaalka oo Mashaariic ka hir-galineysa deegaannada Koonfur Galbeed

Madaxweynaha  Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay Wasiirada Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha Xukuumada Soomaaliya oo maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Baydhabo.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Ahmed Madoobe Nuunow iyo Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eeley ayaa Madaxweyne Laftagareen la wadaagay Socdaalkooda ku qotoma Xoojinta Wadashaqaynta.

Labadan wasiir ayaa sidoo kale sheegay in safarkooda qeyb ka yahay sidii deegaannada maamulka Koonfur Galbeed looga hir-gelin lahaa  mashaariic kala duwan oo labada wasaaradooda fulinayaan, kuwaa oo waxtar u leh dadka iyo deegaanka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed  Laftagareen ayaa uga mahad-celiyey labada wasiir socdaalkooda Baydhabo, waxa uuna xusay inay muhiim tahay hir-gelinta mashariicda ay u baahanyihiin beeralayda iyo xoolo dhaqatada in la hormariyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cagjar oo baaq u diray Liyuu Boolis & Cabdi Max’uud Cumar oo xasaanadii laga qaaday

Caydiid Ali

Hub la sheegay in Al-Shabaab laga furtay oo Kismaayo lagu soo bandhigay (Sawirro)

Caydiid Ali

Soomaaliya oo Itoobiya kala wareegtay xil ay horey u heysay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---