Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Cagjar oo baaq u diray Liyuu Boolis & Cabdi Max’uud Cumar oo xasaanadii laga qaaday

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Omar Cagjar ayaa sheegay inuu isbedel weyn ku sameyn doono ciidamada Liyuu boolis ee ka jira degaanka Soomaalida, kuwaasoo ay dhiseen maamulkii isaga ka horeeyey.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Liyuu Police looga baahan yahay inay garowsadaan dalka inay iyagu leeyihiin ee uusan Tigree lahayn.

“Waxaan Hadduu rabi idmo isbedel Mugweyn ku samayn doonaa Ciidamada Degaanka Ee Liyuu Policeka ay ula baxeen Ina illey iyo Gumaystihii Tigrega ahaa, Balse wiilashu waa wiilashayadii oo la Khalday wadaddii saxda ahaydna laga maran habaabiyey” ayuu yiri cagjar.

Waxaan uu sheegay iney u sameyn samayn doonaan Caqli celin iyo Tababaro hor leh si buu yiri looga hor tago Tacadi iyo Dil dambe oo Degaanka ka dhaca.

Saraakiisha Liyuu Police waxaan ugu baaqayaa inay la jaan-qaadaan dowlada cusub ee Degaanka u dhalatay, waa inay ogadaan inaan lagu shaqeyn doonin Nidaamkii hore ee foosha xumaa oo ay ku shaqeysan jireen ina Illey iyo Kooxdiisu, qaab cusub iyo nidaam Asluubaysan ayaana u samayn doonaa Liyuu Police.waxaana Badali doonaa magaca Liyuu Police oo runtii ah magac Dadka Deegaanka Geeri ku noqday iyo in laga argagaxo markii la maqlo” ayuu yiri Cagjar oo galabta gaaray magaalada Jigjiga.

Dhinaca kale, Baarlamaanka Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xasaanadii ka qaaday Madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar iyo toddobo xubnood oo ka tirsanaa Baarlamaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii ka dhacay maqaayada Jalato Devino iyo Dhalinyaro badan oo…

Cabdi Cade

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo War cusub kasoo saaray Xaalada Soomaaliya

Cabdi Cade

Trump oo soo bandhigay Naqshada cusub ee Diyaaradaha Air Force One (Daaw Sawirro)

Cabdi Cade