Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Xoogga dalka oo degaano cusub kala wareegay Al-Shabaab

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa shacabka ayaa la wareegay degaanada kale ah Cad-cadeey iyo Cadaan-laxey oo ka mid ahaa goobaha fara ku tiriska ah ee ay ku hareen kooxda Al-shabaab gobolka Sh/dhexe.

Ciidamada ayaa si nabad ah kula wareegay degaanadaasi, kadib markii ay isaga baxeen Al-shabaab oo ka war helay duulaanka ku soo wajahan.

Qabashada degaanada Cadcadey iyo Cadaanlaxey ayaa muhiim u ah sugidda amaanka degmada Ruun-nirgood iyo deegaanada ku teedsan oo ay hadda joogan ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka degaanka.

Al-shabaab oo laga qabsaday inta badan degmooyinka iyo degaanada gobolka Sh/dhexe ayaa isku dayaya iney dhaqdhaqaaq ku yeeshaan gobolkaas.

Dhinaca kale, saraakiisha ciidanka DF ee Aw dheegle ayaa sheegay inuu sii kordhay khasaaraha Al-shabaab ka soo gaaray weerarkii ay shalay soo qaadeen, iyagoo xusay in meydadka qiyaastii 100 dagaalyahan laga helay dhulka beeraha ah ee ku teedsan degmadaas.

Related posts

Maxbuus Xabsi uu ku xirnaa si farsameesan uga baxsaday !! (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Haweeney Yuhuudi ah oo loo doortay xilka Madaxweynaha dalka..(Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo Shaaciyay Go’aan adag oo ay Al Shabaab gaareen Baaqna diray

Cabdi Cade