Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Madaale oo kormeer kedis ah ku tagay Kontrolo laga ilaaliyo Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay howla kormeer ah oo ay ugu kuur galayeen sugida Amniga Caasimadda ku tagay  baraha Kontrol ee ku yaala degmooyinka xiga qeybta Bari ee magaalada Muqdisho.

Waxaa kormeerkaas ku wehliyey guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).

Madaale ayaa mid mid u booqday baraha kontrol ama checkpoints-ka laga soo galo dhinaca Bari isaga oo warbixina Amniga quseeya ka dhageestay saraakiisha iyo ciidankii uu kula kulmay goobihii uu booqday.

Waxaa uu ku dhiiragliyay sida ay had iyo jeer heeganka ugu yihiin sugida amniga iyo ka hortaga dhagarta cadowga.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay howlaha kormeer ee uu Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) caawa ku tagay degmooyinka xiga qeybta bari ee magaalada Muqdisho ay qeyb ka yihiin la socodka xaaladaha amni ee ka jira caasimada iyo sidii loo xoojin lahaa.

Related posts

Ciidamada DF & kuwa Maraykanka oo howlgal ku dilay sarkaal ka tirsana Al-Shabaab

Caydiid Ali

Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo isku day dil ka badbaaday iyo Jirdil loo geestay

Cabdi Cade

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si adag uga hadlay xaalad ka taagan Muqdisho

Cabdi Cade