Baarlamanka dowlada Canada oo qaaday talaabo dharbaaxo ku ah Aung San Suu Kyi

Xildhibaannada labada aqal ee dalka Canada ayaa isku raacay in ay muwaadinimo sharafeedka kala laabtaan hoggaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi.

Meelmarinta Mawshinkan ayaa jawaab u ahaa sidii ay ugu guul darraysatay joojinta dhibaatadii loo gaystay Muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalkeeda.

Suu Kyi ayaa ku guulaysatay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize 1991-dii iyadoo ku mutaysatay dadaalkii ay ku bixisay in ay dimuqraadiyad ka dhaliso dalka Myanmar oo sidoo kale loo yaqaanno Burma – kaas oo markaas milatari xukumay.

Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay bishii hore ayay ku sheegtay in ay waajib tahay in baaritaan lagu sameeyo hoggaamiyeyaasha milatariga dalka Myanmar iyadoo la eegayo xasuuq ay u gaysteen Rohingyas.

Ugu yaraan 700,000 oo ruux oo Rohingya ah ayaa rabshadaha isaga firxaday 12 bilood ee la soo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -