Allbanaadir.com
NEWS

War Deg Deg Ah: Maxkamada Gobolka Banaadir oo Go’aan ka gaartay Dacwadii C/Raxmaan C/shakuur

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa saakay la horgeeyay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo xeer ilaalinta dowlada Soomaaliya ku eedeesay dambiyo uu kamid ahaa qaran dumis.

Xeer ilaalinta Qaranka ayaa horey maxkamada gobolka u amartay in 24-saac ku horkeento cadeemo rasmi ah oo ku aadan dambiga loo xiray Siyaasiga, waxaana xeer ilaalinta ku guul dareesatay in cadeemo buuxa hor keento Maxkamada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Maxamed ayaa sheegay in wado qaldan loo maray xarigii Siyaasiga C/raxmana C/shakuur, waxa uuna sheegay in la fasaxay Siyaasiga laguna waayay dambigii lagu soo eedeeyay.

Waxa uu meesha ka saaray Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir in xukunkan lagu sii daayay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur aan laga qaadan karin wax racfaan ah, waxa uuna xeer ilaalinta ka diiday in waqti dheeraad ah la siiyo.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukuumadda Somalia oo si kulul uga hadashay qaraxii lala beegsaday Ingineerada Turkiga

Caydiid Ali

Deni oo qaadacay sharciga doorashooyinka ee horyaalla Baarlamanka Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Ururka Jaamacadaha dalka oo War ka soo saaray arrinta Nasro Abuukar Cali

Caydiid Ali
Taboola Ads ---