Dhul-gariir dad badan ku dhinteen oo ku dhuftay dalka Marocco

Dhul-gariir dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay ku dhuftay bartamaha dalka Morocco, waxaana dhul-gariirkan sidoo kale ka dhashay bur bur aad u baaxad weyn.

Dhul-gariirka oo ka dhacay magaallo xeebeedka Maraakish ayaa halbeegiisa lagu sheegay 6.8 ilaa 7.0 ee Richter Scale, waxaana socda gurmad loo sameenayo dadka waxyeeladu kasoo gaartay dhul-gariirka.

In ka badan 290-qof ayaa ku dhintay dhul-gariirka ku dhuftay magaalada Markaakish, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay in ka badan 150 qof oo kale, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha inta hadda la ogyahay uu kasii bato.

Wasaaradda arrimaha gudaha Morocco ayaa sheegtay in ay socdaan gurmad loo sameenayo dadka waxyeeladu soo gaartay, waxa ayna wasaaraddu tacsi u dirtay dadka ku dhintay dhul-gariirkan dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -