Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka dowladda oo abaabul Dagaal wada iyo madaxweynaha oo ammar laga sugayo

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa abaabul dagaal xooggan kawada maamulada Hirshabelle iyo Galmudug, waxa ayna ciidamada qorsheenayaan in ay la wareegaan deegaanno iyo degmooyin gacanta Al Shabaab ku jira.

Abaabulka xoogiisa ayaa ka socda degmooyinka Maxaas iyo Aadan Yabaal, waxaana labadaasi degmo oo ka kala tirsan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe ku sugan ciidankii dowladda ee kasoo baxay deegaanno iyo degmooyin katirsan Galgaduud.

Saraakiisha ciidanka ee ku sugan furumaha dagaalka ayaa sheegay in ay ku jiraan diyaar garow buuxa, waxa ayna xuseen kaliya in ay sugayaan ammarka madaxweynaha si ay weerar u qaadaan.

Ciidanka xoogga iyo kuwa dadka deegaanka oo wada socda ayaana ku sugan furumaha dagaalka degmooyinka Maxaas iyo Aadan Yabaal, ciidankan ayaana qorsheenaya in ay ku laabtaan degmooyin ay kamid yihiin Ceelbuur, Galcad iyo Ceeldheer.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii lasoo dhaafay tagay degmooyinka Maxaas iyo Aadan Yabaal, waxa uuna madaxweynaha halkaasi ka sameeyay abaabul dagaal, iyada oo la filayo in madaxweynaha mar kale ammar bixiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay wafdi uu horkacayey Axmed Shide (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Mustafe oo ka digay arrin halis ah oo ku soo wajahan degaanka Soomaalida

Caydiid Ali

Faahfaahin: Cabdi Muxumed (Kuukay dheere) oo lagu dilay Magaalada Belad-weyne

Caydiid Ali
Taboola Ads ---