Deni, Madoobe iyo beesha caalamka oo kulan xasaasi ah ku leh Muqdisho (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa qaabilay Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha taagan gaar ahaan Doorashada, Iyadoo Dowladaha Puntland iyo Jubaland ay la wadaageen Beesha Caalamka  aragtidooda ku aadan sida ugu wanaagsan ee  uu qabsoomi karo Shirweynaha Doorashada.

Galabta ayey aheyd Markii wakiilada beesha caalamka u jooga Somalia ay Villa Somalia kula soo kulmeen RW Rooble.

ay ka wada hadleen dardar gelinta iyo dhammeystirka arrimaha doorashooyinka dalka, si waafaqsan heshiiskii 17-kii September,2020 iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhabo.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble wakiilada caalamka u xaqiijiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay xal u helista arrimaha doorashooyinka iyo in ay si shuruud la’aan ugala xaajooto cid kasta oo ay khuseyso, ayna furan tahay gogoshii wadahadalka arrimaha doorashooyinka.

“DF Soomaaliya waxay mar kale ugu baaqeysaa madaxda dowlad-goboleedyada ka maqan Shirka Wadatashiga Qaran ee Arrimamaha Doorashooyinku in ay ku soo biiraan, si arrimaha lagu kala duwan yahay loogu xalliyo miiska wada hadalka, dalkana ay uga qabsoonto doorasho daahfuran” ayaa lagu yiri qoraalka Viila Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -