Allbanaadir.com
MUUQAALONEWS

Gudoomiye Madaale oo danjire Alberto Vecchi kala hadlay labo arrin oo ay ku jirto..

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Waxay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dhinac, fulinta Mashaariic Horumarineed, iyo soo nooleynta Mataaneynta Muqdisho iyo Milano.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Agaasimaha Xariirka Dibadda iyo Hey’addaha Caalamiga Mudane Maxamed Xasan ayaa sidoo kale looga hadlay dar-dargelinta dhismaha xarunta Casa Italia iyo Taageerada Dawladda Talyaaniga ee ku aadan la dagaalanka ka dhanka ah al-shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Danjiraha Dowladda Talyaaniga kala hadlay sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen Qorshaha Xasilinta  Deegaanada laga xorreeyay Al-Shabaab iyo ka fulinta goobahaasi Mashaaariicyo horumarineed oo ay ugu horeyso Adeegyada Bulshada.

Related posts

Soo galootiga ku nool dalka Talyaaniga oo loogu baaqay in Boorsooyinkooda xir xirtaan

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo u ogolaatay Safaarad kutaala Muqdisho in ay dhoofsato Sagaaro

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay Garsooreyaasha Maxkamadda Sare ee Dalka (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---