Somalia oo ka mid noqotay afar dal oo iskugu haray doorashada hogaanka IPU

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta Shir guddoomiyay Kulanka 31-aad, Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa warbixinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, soo gudbinta warbixinta tababarada guddiyada iyo dhameystirka Hindise Sharciyeedka Qaxootiga Soomaaliya.

Sidoo kale Guddiga Joogtada waxa ay dood dheer iyo falanqeyn ka yeeshay musharaxnimada Xildhibaan Marwa Cabdibashiir Xaaji oo u taagan madaxweynaha Midowga Baarlamaanada Aduunka (IPU), waxaana ay soo gaartay listiga gaaban ee tartanka doorashada, oo ay isku soo hareen Soomaaliya iyo saddex wadan oo kale Afrikaan ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xubnaha kale Guddiga Joogtada ayaa taageeray musharaxnimada Xildhibaan Marwa Cabdibashiir Xaaji isagoo adkeeyay ahmiyadda ay u leedahay in Soomaaliya ay ku guuleysato Madaxweynaha Baarlamaanka Aduunka, wuxuuna tilmaamay in ay tahay arrin qaran oo dalka iyo dadka guul u ah, ayna tahay qof walba inuu ka qeyb qaato xaqiijinta guushaas.

- Advertisement -