Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay Garsooreyaasha Maxkamadda Sare ee Dalka (Akhriso Magacyada)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Garsooreyaasha Maxkmadda Sare ee dalka,  keddib soo jeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah:

–      Garyaqaan Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.

–      Garyaqaan Maxamed Cumar Axmed.

–      Garyaqaan Cabdalle Macalin Maxamed.

–      Garyaqaan Xaydar Barqash Abukor.

–      Garyaqaan Axmed Cali Muuse.

Madaxweynaha ayaa isla wareegtadan xilalkii Garsoorenimo  ee Maxkamadda Sare kaga qaaday xubnaha kala ah:

–      Mudane Sheekh Abuukor Cismaan Macalin Daahir.

–      Mudane Maxamed Maxamuud Maxamed.

–      Mudane Maxamuud Axmed Faarax.

–      Mudane Sheekh Cumar Aadan Maxamed.

–      Mudane Cabdinaasir Seeraar Axmed.

–      Mudane Axmed Maxamed Sheekh Ibraahim.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku saleeysan ballanqaadkiisii ku saabsanaa in uu dib u habayn ku sameeyo nidaamka garsoorka dalka oo kamid ah qorsheyaasha ugu muhiimsan ee dowladda horyaalla.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Mareykanka oo war kasoo saartay Colaada Muqdisho kuna hanjabtay xayiraad

Cabdi Cade

Xaalad adag oo soo wajahday Muslimiinta tirada yar ee ku nool dalka Sri-lanka

Caydiid Ali

Xildhibaano ka tirsan Puntland oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday shil gaari

Caydiid Ali