Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Aadan Yabaal iyo kulamo halkaasi ka socda

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno la socda ayaa goordhaw gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay madaxweynaha Hirshabelle iyo masuuliyiin kale.

Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa degmada Maxaas oo gobolka Hiiraan ayaa maanta ka degay degmada Maxaas, waxaana halkaasi uga sii horeeyay madaxweynaha Hirshabelle iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa degmada Aadan Yabaal kulamo kula leh madaxda maamulka Hirshabelle iyo saraakiisha ciidanka, waxa uuna madaxweynaha halkaasi ka wadaan abaabul dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab.

Degmada Aadan Yabaal waxaa hadda jooga ciidamo badan oo katirsan kuwa xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee soo banneeyay furumihii ay kaga sugnaayeen degmooyin iyo deegaanno katirsan Shabeelaha Dhaxe iyo Galgaduud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale degmada Aadan Yabaal ka abaabulaya howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxa uuna madaxweynaha ka shaqiinaya sidii ciidanka ugu laaban lahaayeen deegaannadii iyo degmooyinkii ay kasoo baxeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faah Faahino kasoo baxaya weerar gaadmo ah oo lagu dilay Xasan Mayow Isaaq 

Cabdi Cade

Duuliye lugihiisa uu taabtay maska Kobraha oo Go’aan Geesinimo leh qaatay !

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo Muqdisho ku daah furtay hey’ad ka cusub dalka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---