Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo ganacsatada Qatar u bandhigay fursado Maalgashi (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka duulaya ahmiyadda uu dalka u leeyahay maalgashiga shisheeye, ayaa saaka kulan miro dhal ah la qaatay hoggaanka iyo xubnaha sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Qatar.

Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii ganacsatada dalka Qatar ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen dalkeena Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Tamarta, Wax soosaarka badda iyo berriga iyo Kaabe-yaasha dhaqaalaha sida dekadaha Iyo garoomada dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya laga cafin doono deynta, isla markaana dalka laga xoreyn doono kooxaha Khawaariijta, taasi oo fursad weyn u ah shacabka Soomaaliyeed iyo sidii dalka horumar buuxa ugu tallaabsan lahaa, una heli lahaa maalgashi caalami ah.

Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Qatar ayaa sheegay inay daneynayaan in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya, iyada oo kulanka loogu soo bandhigay ganacsatada Qatar fursadaha maalgashi Iyo kheyraadka dalkeena Soomaaliya.

Related posts

Nin lasoo taagay Fagaare ay Al Shabaab ku toogan lahaayeen oo si lama filaan ah ku bad baaday

Cabdi Cade

DEG DEG: Madaxweynihii hore ee dowladda Kenya oo geeriyooday isagoo 90 sano jir ah

Caydiid Ali

Madaxtooyada Kenya oo ka Jawaabtay Baadi goobkii loogu jiray Madaxweyne Uhuru 

Cabdi Cade