Allbanaadir.com
NEWS

Faah Faahino kasoo baxaya weerar gaadmo ah oo lagu dilay Xasan Mayow Isaaq 

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeesan weerar ku qaadeen goob uu ku sugnaa gudoomiyihii deegaanka Goof Gaduud ee duleedka Baydhabo.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in weerarka gudoomiyaha Goof Gaduud Xasan Mayow Isaaq uu kasoo gaaray dhaawac culus, waxa uuna markii dambe ku geeriyooday isbitaalka magaalada Baydhabo.

Ciidamada milatariga ee ku sugan deegaanka Goof Gaduud ayaa weerarka kadib hoolgal halkaasi ka sameeyay, lamana sheegin ilaa hada in lasoo qabtay dadkii ka dambeeyay weerarka lagu dilay gudoomiyaha deegaanka Goof Gaduud.

Deegaanka Goof Gaduud ay joogaan ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya iyo ciidamada katirsan Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka dhaca weeraro ay geestaan dagaalyahanada Al Shabaab oo ku sugan deegaano katirsan gobolka Baay.

 

Related posts

Daawo Muuqaal “Daraasad laga sameeyay dadka iyo dalka Soomaaliyeed iyo ra’iisul wasaare khayre oo ka jawaabay daraasada la sameeyay!!

admin

Wasiir Bayle oo ka hadlay cawaaqibka ka dhalanaya haddii dowlada aysan helin canshuur ku filan

Caydiid Ali

(Sawirro) Maamulka SSC-Khaatumo oo arin cusub ka bilaabay Laascaanod

Caydiid Ali
Taboola Ads ---