Nin garoon ku dhax eryaday Diyaarad uu raaci lahaa oo la xiray !! (Daawo Sawirada)

Nin 23 sano jir oo lagu magacaabo  Patrick Kehoe ayaa kasoo daahay diyaarada uu ku qornaa in uu raaco, waxa uuna ninkan garoonka soo galay xili ay Diyaarada isku diyaarineysay in ay duusho.

Patrick ayaa xoog kusoo galay garoonka caalamiga ah ee magaalada Dublin, xili diyaaradii uu raaci lahaa albaabada loo xiray iskuna diyaarineysay in hawada gasho, waxa uuna ninkan eryaday diyaarada oo ku socota dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan.

Ciidamo ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Dublin ayaa eryaday ninkan daba orday diyaaradii uu raaci lahaa, waxaana gudaha garoonka ninkan ku ceersaday booliis wata labo kamid ah gaadiidkooda gaarka ah kuwaa oo markii dambe qabtay.

Ninkan dhalinyarada ah oo u safrayay dalka Holand ayaa markii uu gudaha garoonka soo galay ku qeylinayay jooii diyaarada iyo ereyo kale, hasa ahaatee ninkan ayaa ku fashilmay in diyaarada raaco waxaana taa badalkeeda la dhigay xabsi.

Afhayeen u hadlay  maamulka garoonka diyaaradaha ee magaalada Dublin ayaa sheegay in nin rakaab ahaa oo kasoo daahay diyaaradii uu ku qornaa damcay in diyaarada dabo ordo sidaasna ku raaco, waxa uu xusay Afhayeenka in ninkaasi booliiska markii dambe xireen.

Dhacdadan maanta ka dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Dublin ee dalka Irland ayaa noqotay mid si weyn u hadal hayaan Warbaahinta, waxaana ninkan dhalinyarada la sheegay in uu ka xumaa in safarka ka habsaamo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -