Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawiradda: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sannado kadib maanta tagay Villa Somalia

Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tagay xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya oo muddo ka badan shan sanno dibad joog ka ahaa.

Xasan Sheekh ayaa Madaxtooyada Soomaaliya waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana soo dhaweyn kadib labada madaxweyne yeesheen kulan is xog-wareysi ah.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweynaha cusub iyo Madaxweynihii hore ee dalka ayaa kawada hadlay xil wareejinta la filayo in todobaadka dambe dhacdo iyo sidoo kale xaalada dalka inta xil kala wareejinta socoto.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Sheekh Maxamuud ayaa isku diyaarinaya sidii uu xilka ula wareegi lahaa una saldhigan lahaa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya uu shan sanno kahor ku wareejiyay Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney Raisul Wasaare ka ah dal ka tirsan Yurub oo guursatay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Daawo Video) Hooyo Xareedo_Maxamed_Jaamac oo ku dhibaataysneed Degmada Dayniile oo gurmad deg deg ah loo fidiyay!!

admin

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Global Privacy Assembly

Caydiid Ali
Taboola Ads ---