Masuul katirsan dowlada oo maanta kasoo muuqday Maxkamad (Daawo Sawirada)

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa manta oo Taariikhdu Tahay 27/09/2018 u fariisatay dacwad ciqaabeed loo haystay Eedeysanayaasha kala ah Daahir Maxamed Nuur oo ah Agaasimaha waaxda Dib U dejinta Barakacayaasha Ee Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka iyo Maxamed Cumar Macallim oo ahaa Xoghayaha Joogtada ah Ee Wasaaradda Gargaarka oo ahaa maqane.

Waxaa Maxkamadda furay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed. Sidoo kale waxaa dacawada ka soo qeyb galay Xeer Ilaaliayaha Guud Ee Qaranka Dr.Axmad Cali Daahir iyo ku xigeenadiisa, waxaa kaloo goob joog ahaa Qareenada difaacayay Eedaysane Daahir Maxamed Nuur waxayna Maxkamddu guda gashay Dhagaysiga Dacwadda loo heystay Eedaysanayaasha

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed ayaa U aqriyay Eedda loo haysto Eedaysanayaasha uu goob joog ahaa Daahir maxamed nuur, waxaana dooda qaatay Xeer ilaalinta oo ku oogeysay Dacawadda loo haysto eedeysanayaasha.

Qareennada difaacayay Eedeysane Daahir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale ka difaacay Eedda lagu soo oogay Muwakilkooda kuwaas oo soo bandhigay difaacooda sharci.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka banaadir ayaa mar kale balamiyay dhagaysiga dacwada maalinta khamiista soo socota inta ka harsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -