Allbanaadir.com
NEWS

Wasaaradda Maaliyadda oo la wareegtay maamulka Hogaanka Ilaalahada Cashuuraha ee Trubataariyo

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane, Biixi Imaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo lagu dardargelinayo sare u qaadidda dakhliga gudaha oo ay ka soo qeyb galeen Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General. Sulub Axmed iyo Hoggaanka ilaalada Canshuuraha ee loo yaqaano (Tributaria) oo door muhiim ah kuleh shaqada dakhli uruurinta.

Shirkaan oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga Faysal Maxamed Xaashi ayaa si qoto dheer loogu lafaguray si ay muhiimadda canshuur aruurinta iyo caqabadaha hortaagan iyo nidaamyada ugu sahlan ee lagu gaari karo xal waara.

Wasaaradda Maaliyadda iyo Taliska Booliska ayaa isla qaatay laga bilaabo shalay oo ay taariikhdu tahay 03,September, 2023, in ay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya la wareegtay maamulka Hogaanka Ilaalahada Cashuuraha ee Trubataariyo, si wadajir loogu dar-dar galiyo adeega loo qabanayo bulshada Soomaaliyeed. Wasaaradda Maaliyadda waxa ka go’an xoojinya nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha dalka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xoogaga TPLF oo tacadiyo xanuun badan u geestay Haween kunool Gobolka Amxaarada

Cabdi Cade

Ruushka oo shaaciyay in Jawaab ku habboon siin doonaan dowladda Holland

Cabdi Cade

Webiga Shabeelle oo mar kale xaalad adag ay soo wajahday (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali