Ukraine oo xaqiijisay Isku-daygooda lagu dili lahaa Taliyaha Guud ee Milliteriga Raashiya

Alexey Arestovich oo Kaaliye Sare u ah Madaxweynaha dalka Ukraine, Vladimir Zelenskyy ayaa xaqiijiyey inay Ciiddanka Ukraine ku dhaqaaqeen Isku-day Dil oo kala maganaa Taliyaha Guud ee Milliteriga Raashiya, General Valery Gerasimov, xilli uu booqasho kormeer ah ku joogay Jiidaha Dagaalka ee gudaha dalka Ukraine.

Kaaliyaha Sare ee Madaxweyne Zelenskyy ayaa hadalkaasi bixiyey kadib, Warbixin uu Wargeyska The New York Times ee Maraykanka uu maalintii Sabtigii la soo dhaafay daabacday Xogta ku aadan Qorshaha lala maganaa Taliyaha Guud ee Milliteriga Raashiya.

Wargeyska NYT waxa uu qiray in Dowladda Maraykanka oo taageerta Ukraine ay hakisay Qorshaha lagu beegsan lahaa Taliyaha ugu sareeya Milliteriga Raashiya bishii April ee sanadkan.

Jariirada NYT waxay soo xiganay Ilo-wareedyo sheegay inay Dowladda Maraykanka cadaadis ku saartay Ukraine inaysan qaadin qorshahaasi, sababo la xiriira inuu xilkaasi horseedi kara Dagaal toos u dhex mara Ciiddanka Raashiya iyokuwa Maraykanka (A direct military confrontation between Russian and American forces).

Sarkaal Sare oo Maraykan ah oo la hadlay Wargeyska NYT ayaa sheegay inay Ukraine ogaadeen socdaalka General Valery Gerasimov ku kormeer lahaa Aagaga Dagaal ee ay Ciiddanka Raashiyaanka xilligaasi ka joogeen gudaha Ukraine.

Kaaliyaha Madaxweynaha Ukraine, Alexey Arestovich waxa uu tilmaamay inay Ciiddankooda xilligaasi duqeeyeen Xarumaha Dagaalka ee uu General Valery Gerasimov booqanayey, balse, ay Duqeymaha dhaceen xilli uu mar hore Jeneralka ka tegay goobaha la duqeeyey ee Degmadda Izium oo ka tirsan Gobalka Kharkov ee Waqooyiga-bari dalka Ukraine.

Milliteriga Raashiya waxay Gobalka Kharkov gacanta ku hayeen muddadii u dhexeysay April ilaa September ee sanadkan 2022-ka.

Dowladda Raashiya marnaba si rasmi ah uma xaqiijinin inuu General Valery Gerasimov booqday gudaha Ukraine bishii April ee sanadkan, balse Wasaaradda Difaaca ee Raashiya ayaa sheegay inuu Taliyaha booqday oo keliya Ciiddanka Raashiya ee ku sugan Jiidaha Dagaalka ee gudaha Ukraine.

Si kastaba ha ahaatee, Jimcihii la soo dhaafay waxa uu General Valery Gerasimov ka mid ahaa Saraakiisha Sarsare ee Difaaca Raashiya ee ka qeyb galay Kulankii uu Madaxweyne Vladimir Putin Warbixinada looga siiyey Hawlgalka Milliteri ee ay Ciiddanka ka wadaan gudaha dalka Ukraine.

W/Q Nuradin Ahmed Dini

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -