Askari Soomaali Mareykan ah oo Dambi dil ah lagu helay (Daawo Sawirro)

Guddi xeer-beegti ah oo todobaadyadi lasoo dhaafay eegayay dacwad dil ah oo lagu soo oogay Maxamed Nuur oo horay uga tirsanaa booliiska magaalada Minneapolis, gobolka Minnesota  ayaa ku helay laba danbi oo dil ah.

Maxamed Nuur ayaa lagu helay in si aan ku tala gal aheyn u dilay Haweeney lagu magacaabo Ruszczyk Damond oo u dhalatay dalka Australia, dilkan ayaana dhacay 15-kii July 2017-dii.

Askarigan Soomaali Mareykanka ayaa qirtay in uu dilay haweeney aan hubeysneyn, waxa uu xusay in cabsi lasoo daristay isaga iyo saaxiibkiis sidaasna uu ku furay rasaasta sababtay in haweeneydan ku geeriyooto.

Waxa uuna xeerbeegtida Maxamed Nuur u  sheegay in uu rumaystay in ay halis ku soo wajahantahay markii uu maqlay dhawaq isla markaasna arkay Damond oo gacanteeda midig taagaysa.

Dacwad oogeyaasha ayaa su’aal galiyay dhabnimada dhawaqa uu Maxamed sheegay in uu maqlay, iyaga oo tilmaamay in isaga iyo askarigii la hawlgalayay uusan midna markii hore xusin wax dhawaaq ah oo ay ka maqleen goobta uu dilku ka dhacay.

Maxamed oo gacamaha ka xiran ayaa xabsi loo taxaabay isla markii ay guurtidu ku heleen dambi heerka saddexaad ah iyo dil aan kas ahayn oo heerka labaad ah, xukunkaasina wuxuu dhacay Talaadadii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -