Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Laftagareen oo Baydhabo kula kulmay Mr Lionel Laurens iyo xubno la socday

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta madaxtooyada Baydhabo ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya Mr Lionel Laurens.

Kulanka madaxweyne Laftagareen la qaatay madaxda hayádda UNDP  oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Koonfur Galbeed ayaa la isaga xog-waraystay sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta maamulka iyo Hay’adda UNDP.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa uga mahad-celiyay madaxda UNDP taageerada ay maamulkiisa siiyaan, waxa uuna u ballan-qaaday in ay sii xoojinayaan wada shaqeynta kala dhaxeysa UNDP.

Hayádda UNDP ayaa taageerta dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, waxa ayna hayáddan wada shaqeyn dhaw la leedahay maamul goboleedyada dalka ka jira ay ka taageerto dhinacyo kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya: “Heshiiska Somaliland & Itoobiya wuxuu ka dhigan yahay iclaamin dagaal”

Caydiid Ali

Dilal caawa ka dhacay Ceelasha Biyaha iyo amniga degaanka oo laga deyrinayo

Caydiid Ali

Doorashada 3-Kursi oo mid kamid ah Xiiso leeyahay oo maanta ka dhaceysa Jowhar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---