Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamad xukun culus ku riday Mid ka mid ah taageerayaasha Trump

Joe Biggs Hogaamiyihii kooxda midigta fog ee Proud Boys oo ka mid ah taageerayaasha Trump ayaa lagu xukumay 17 sano oo xarig ah, tan oo noqonaysa mid ka mid ah xukunadii ugu dheeraa ee lagu riday dadka lagu eedeeyay Rabshadihii ka dhacay xarunta dowladda Maraykanka ee Capitol.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Joe Biggs, oo 38 jir ah, uu ahaa kiciyaha weeraradii Congress-ka 6dii Janaayo 2021.

Waxaa bishii May lagu helay dambi ah inuu maleegayay shirqool iyo dambiyo kale.

Maxkamada dhexdeeda ayuu Biggs waxa uu ka codsaday debecsanaan wuxuuna muujiyay sida uu uga xun yahay falkiisa.

Biggs waxaa lagu eedeeyay tiro dacwado ah bishii Maajo, oo ay ku jiraan kicinta, shirqool, cabsigelinta ama hanjabaad si looga hortago saraakiisha inay gutaan waajibaadkooda iyo faragelinta sharciga fulinta inta lagu jiray qalalaasaha.

Dacwad oogayaashu waxay sheegeen in Biggs oo ahaa askari kasoo dagaalamay Ciraaq uu ka faa’iideystay khibradiisa ciidan si uu u hogaamiyo kacdoon ka dhan ah dawladda Mareykanka.

Related posts

Toban cisho oo loo qabtay in meydadka looga saaro dhulka Iskoolo Bulusiyo

Caydiid Ali

Lix ka mid ah Shaqaalaha Hormuud oo ku dhintay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Caydiid Ali

Xamse Barre oo ka hadlay maalinta 12ka Apriil & waxa ay ka dhigan tahay

Caydiid Ali