Nin la dhashay Masuul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo caawa la dilay

Kooxo hubeysan ayaa caawa ku dilay magaalada Muqdisho nin dhalinyaro ah oo la dhashay masuul ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Marxuumka la dilay oo la oran jiray Liibaan Xaabsey ayaa la sheegay in goor dhow lagu toogtay xaafada Baar Ubax ee degmada H/wadaag ka dib markii ay rasaas ku fureen dabley hubeysan.

Liibaan ayaa la sheegay iney walaalo yihiin Gudoomiyaha degmada Warta Nabada ee magaalada Muqdisho Seynab Xaabsey.

Lama oga ilaa hadda sababta loo dilay iyo cida ka dambeysay, mana jiro illaa hadda war ka soo baxay laamaha amaanka DF oo la xiriira dilkan.

- Advertisement -