Saciid Ciise: “Waxaad arkeysaa dad la dagaalamay kelitalis oo raba iney noqdaan kullitalis”

Eebow Dadka Sida Waalidaa Dowladda Ugu weyraxsan Sii Risiq Xasiloon oo Xalaala

Wadaad ku nool degmada ay dadkiisu degen yihiin ayaa Allebariga degmadiisa ku haystey manaboolyo oo ah inuu isagu yahay sheekha keliya ee ducooyinka xoolaha lagu qalayo looga yeero, waxaana sida caadada ah sheekha maalin kasta u balansanaa duco uu quraan ka aqrinayo oo hilbo cadiina lagu martisoorayo, waxeysa hilbo cunidaasa joogtada ah ay sababtay in wadaadku aad u cayilo oo saanqaadka socodkiisu u dhib ku noqdo, inkasto ay wadaadka da’diisu ahayd da’ dhexdhexaada, haddana waxey culeyska miisaankiisa oo badan ay qasab ka dhigtay inuu ku tukubo ul iyo inuu had iyo jeer u baahdo in qaadimkiisu gacanta iyo garabka ka qabto.

Wadaadka oo ku dhex jira meelmarinta jedwalkiisa maalinlaha ah oo markaas wakhtiga qoraxdu kululayd oo ahayd barqanimadii ku sii jeedey guri u jira nus kilometer oo uu ka madlanaa, ayaa saamoqaadkiisa oo gaaban iyo qoraxda oo kululayd awgeed ku xuurtooday socodkiisa, wuxuuna qaadumkiisa ka dalbaday iney xoogga ku nastaan geed ku yaaley dariiqa loo maro guriga ay ku socdeen oo u jirey meel qiyaasta kalabar ku yaala. Sheekhii oo aan weli salka dhulka dhigin ayaa meel fog waxaa ka yeertay qeylo dhaan tilmaameysa in magaalada banaankeeda uu soo galay biciid goola oo safar ku ag maraya.

Wadaadka oo aan si wanaagsan u fahmin waxa ay ku saabsan tahay qeylo dhaanta la maqlay, ayaa geedkii uu harsanayey hal mar waxaa ka kacay boor sida duufaanta uga hoos kacay wajigiisa oo wax uusan arkin ama maqlin ay daf iyo miriq ku ag mareen, wuxuuna kaasi ahaa ugaarato maqlay qeylo dhaanta oo haddana meel dheer ka arkay biciidka goolka ah oo si deg dega u soo qalabqaatay si aysan cid kale uga hormarin lahaanshaha hilibka biciidkaas, sidaasna uu isaga keliya milkiyadiisa ku yeesho, taas oo dhalisay in xawaare aad u xoog badan uu ku gaaro hiigsiga uu ku doonayo hanashada damaca yoolka bartilmaameydkiisa.

Wadaadka oo la anfariirsan waxa sida lama filaanka u dhacay oo wadna xanuunka ku dhaliyey, ayaa qaadimkiisa weydiiyey waxa ay ahaayeen wixii biriqda la mooday oo orodka ku dhaafay agtiisa, qaadumkiina wuxuu ugu jawaabey inuu ahaa nin jerihaaya risiq uu deg deg ku helo oo aysan sheegashadiisa cid kale la wadaagin. Wadaadka oo weli u qaadan la’ wixii ay arkeen indhihiisu iyo naxdinta ay ku reebtay waxaas soo boodistiisa lama filaanka ku ahayd, ayuu si dirqiya dib qoortiisa ugu jaleeciyey meeshii uu ku roorayey ninkii risiqa jerinayey, balse waxba waa ka arki waayey inta ay indhihiisu qabtaan, markaas ayuu inta Ilaahey ku mahdiyey wuxuu yiri “Eebow risiq xasiloon na sii.”

Waxaad arkeysaa dad la dagaalamayey kelitalisnimada oo ku dhumiyey naf iyo maalba halgankaas, haddana raba iney wada noqdaan kullitalis oo ay talada dalka gacmahooda keliya ku soo wada uruursan tahay, balse aan fahamsaneyn in Ilaahey meel sahalan uu ka siiyey kursi dhiig badan ku daatay, xoolo fara badana ay ku baxday raadinta risiqiisa lagu helayo, waxeyna dadkaas ay indhahoodu arki waayeen haykalka dowladnimada oo ah darajada heybad iyo awood ahaan ugu sareysa dalka, waxeyna taas bedelkeeda ay ka door bideen iney ku weyraxaan baadigoobka ay ugu jiraan raadinta ay ku heleyaan darajooyin hoose oo siintooda ay ku bedeshaan in lagu xukumo, balse ay taas ku gaaraan helitaanka risiq dowladeed oo ay calooshooda uga wada buuxsadaan oo ciddii ku soo haweysata agaasimenimo ay u arkaan in hooyadood ay shuraako kula yihin. Eebow dadkaas garansii iney ku mahdiyaan risiqa xasiloon oo aad siisay oo dadka kale ay xuurto iyo xoolo badan ay ku jerinaayaan.

Waxaad arkeysaa ruux darajo agaasime oo sumcadeedu liidato dadkiisii ku dhibaateynayo oo sida dibi weyraxsan ka dhigay miduu gees geliyo, iyo miduu hertiyo, iyo miduu qoobka kula tunto, wuxuuna sidaas u yeelayaa inaan dabadiis cid kale aysan soo damcin darajadaas duleysan oo uu haykalkeeda dowladnimada ku soo fuulay weyrax ku saleysan waali, taas oo uu keligiis shirkad danawadaaga uu talowadaag kula noqday weyrax siyaasadeed. Ruux raba inuu saami qeybsiga awoodeed ee dadkiisa ay dowladda ugu leeyihiin inuu keligiis xoogg ugu muquunsado danahiisa inuu ugu maamusho, ayaa derbi ku go’an dowladda isaga dhigaya in cid heybwadaag la ah ee uusan rabin iney ka soo muuqatohaykalka dowladda. Eebow inta dadkeeda u duleynaysa keligaa wax walba noqo si aad keligaa u jerisid risiq dowladeed, iimaankooda ku xasili risiq xasiloon oo xalaala.

Waxaad arkeysaa dad madaxda dowladda ka jerinaya risiq dowladeed oo ay saami qeybsi cusub ku helaan, waxaase aysan indhahooda arkeyn kuwa iyaga ku metelaya sami qeybsiga awooda dowladeed oo xilalkooda uusan marna ka dhicin iney jidgooyo ku yihiin damacooda ku dhisan isbedel in lagu sameeyo sami qeybsigooda, waxeyna dadkaas risiq doonka dowladda ah ay sida badan la kulmaan iney ku dhacaan dabino ay dadkoodu u sii maleegeen, markaas oo ay la soo baxaan iney risiqooda ku jersadaan caadifado ay si weyraxsan ugu bururayaan iney xamaasad dhibanenimo ay ugu beerdulucsanayaan iney eedeysaneyaal ugu yihiin heybsooc ku saleysan laangaabnimo lagu takoorayo xuquuqdooda. Eebow dadka qiirada weyraxsan risiqa dowladnimo sida qaldan ugu jerihaaya tus mariinka quman oo ay risiqa xasiloon ugu heystaan awood qeybsiga dowladda.

Waxaad arkeysaa dad qadiyadoodu gashay siyaasad weyraxsan iney dagaal ku soo dhacsadaan risiqa ay dowladnimada ku jersanayaan, waxeyna deriskooda waqooyi iyo midkooda koofureed oo ay dowladnimadu kala dhexeyso ay ku sayrinayaan najaas ay ku kicinayaan dagaalo sokeeye, iyagoo taas bedelkeeda doorbidaya iney hiilo beeleed ku weydiistaan deriskooda bari iyo kuwooda galbeed, waxeyna dadkaas ay raadinayaan waxey qarniga 20aad bilowgiisa ay ku heli waayeen oo ahayd qadiyadihii ay weyraxsanaanta ugu raadinayeen haykalkii isugu dhexmilnaa diinxumada, qabiileysiga, iyo dowladxumida oo ay helidiisa ku baaba’een, soomaalida oodwadaaga iyo deriswadaaga la ahaana ay ku baabi’yeen. Eebow laabta u qabooji ummadd ku wada weyraxsan jeritaanka risiq dowladnimo oo aan xalaal iyo xasilooni lahayn.

Waxaad arkeysa dad kursiga ugu sareeya dowladda ku raadinaya xalaal, xaaraan, iyo xoolo kasta oo ay awoodaanba, haddana marka ay waayaan ku baadi goobaya dhaleeceyn iyo iney inta xumaanta dowladda u xamaasadeysan ay durbaanka neceybka, colaada, iyo iska horkeenida ugu tumaan cod dheer oo ay ugu cabirayaan macaaradnimo ku saleysan siyaasado weyraxsan, waxaana mucaaradnimada weyraxsan u wehlisa falaaganimo iney kula joogaan dowladda ku dhisan midnimada qaran, taaas oo ay ku muujinayaan iney mansabkeeda iyo manfaceeda ay uga mid yihiin, haddana ay islamarkaas muujinayaan iney maqam ahaan ay uga sareeyaan waarid ahaan oo ay ka madaxbanaan yihiin siyaasadaheeda. Eebow ummaddaaada uma wada sina jeritaanka xalaal quutanimada iyo xaaraan qutanimada ee dhamaantood ku wada xasili jeritaanka risiq xasiloon oo xalaala.


Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

- Advertisement -