Dil caawa ka dhex dhacay Masjid ku yaala magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa caawa askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ku dhex dilay degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho gaar ahaan masjid ku yaalla Agagaarka Ceelgaabta.

Askariga  ayaa la toogtay xilli uu u taagnaa rakcadii ugu dambeysay ee Salaadda cishaha oo uu la tukanayey jameecada masaajidka sida ay sheegeen dad masjidka ku sugnaa.

Rasaasta lagu dhuftay askariga ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay qof shacab ah oo ka mid ahaa jameecada tukanaysay salaada cishaha, iyadoo kooxihii dilka geystay oo baxsaday ay horay u qaateen qorigii uu watay askariga.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxayna ka sameeyeen howlgallo.

Dilalka lagu hayo ciidamada anmiga iyo dadka dowlada la shaqeeya kuma ku cusba dhegaha dadka, waxaase aad looga argagaxay in masjid lagu dhex dilo qof salaad u taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -