Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Muxuu Xasan Shiikh kala hadlay danjire Danjire Mike Nithavrianakis?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mike Nithavrianakis.

Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa diiradda waxaa lagu saaray horumarinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee UK iyo Soomaaliya, wax ka qabashada saameynta El NiƱo, iyo u diyaargarowga shirweynaha caalamiga ah ee cunnada kaas oo lagu wado in dhawaan uu ka dhaca dalka Ingiriiska.

Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mike Nithavrianakis ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ugu mahadceliyey soo dhaweynta uu ugu sameeyey Madaxtooyada Qaranka.

Boqortooyada Ingiriiska waxa ay ka mid tahay dalalka xiriirka wanaagsan kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, waxa ayna ka taageertaa dhanka dhismaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo arrimaha Beni’aadannimada.

Related posts

(Sawirro) Farmaajo oo la kulmay Guddiga isku dhafka ee ka baaraan-degga doorashooyinka

Caydiid Ali

Trump Sodogii iyo sodohdiis oo la siiyey dhalashada wadanka Maraykanka

Caydiid Ali

Itoobiya oo soo bandhigtay Magacyada xubno ka tirsan TPLF oo la dilay, qaarna la qabtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---