Allbanaadir.com
NEWS

27 ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Beerta Sheekhow

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay Beerta Sheekhow oo 16-KM qiyaastii u jirta degmada Awdheegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

27 ka tirsan al-shabaab ayaa la dilay ka dib markii la ogaaday inay isku aruursanayeen deegaankaasi sida ay sheegeen saraakiisha hogaamineysay howlgalkaas.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaas ku daray in Howlgalkaasi lagu burburiyay saanad Ciidan iyo fariisimihii al-shabaab ee ku yaalay halkaas.

Dhinaca kale ilaa iyo Shan ka tiran al-shabaab ayaa sidoo kale lagu dilay howlgal qayb ka ahaa Howlgalka sifaynta Jiinka wabiga oo ka dhacay deegaanka Basra.

“Ciidanka Qaranka, dadka deegaanka iyo Saaxiibada caalamka ayaa ogaaday koox khawaarij ah oo doonayay inay arbushaan ciidanka kuwaasoo lagu laayay halkii ay isku abaabulayeen” ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska ciidanka xoogga dalka.

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay Shir arrin muhiim ah looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

William Ruto oo Shaaciyay Arrimo uu Madaxweyne Xasan Sheekh kala shaqeyn doono

Cabdi Cade

Daawo Muuqaal “Wiil Soomaali ah oo xayeysiinta dharka ay shaqadiisu tahay xayaysiiyo!!

Caydiid Ali
Taboola Ads ---