Allbanaadir.com
NEWS

Qalabkii lagu qaban lahaa Doorasho qof iyo cod oo dalka la keenay iyo xilliga Diiwaangelinta oo…

Gudoomiyaha Gudiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Abdikarim Ahmed Hassan ,oo ka hadlayay xafladda daah-furka ololaha qaran ee diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha ayaa sheegay in 15-bishaan loo dareeri doono diiwaan galinta cod bixiyashaa golaha degaanka, 30-juuna ay dhici doonto doorashada Golaha degaanka.

Waxa uu guddoomiyuhu sheegay in guddiga uu diyaariyay dhammaan agabkii loogu talagalay doorashooyinka.,ayana diyaar tahay goobaha doorashooyinka lagu qaban lahaa.

“15-ka bishaan waxaa loo dareeri doonaa goobaha diiwaangelinta codbixiyaasha.” Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Maxamed Axmed Amiir oo munaasabada ka qeyb galay ayaa dhankiisa sheegay in ay hoggaamin doonaan shacabka gobolka Banaadir si ay isu diiwaan galiyaan.

“Anigu waxaan hoggaamin doonaa shacabka gobolka Banaadir si ay isu diiwaangeliyaan una tagaan goobaha codbixinta.”ayuu yiri Guddoomiye Amiir

Related posts

Qoorqoor & Catriona Lainga oo kormeeray xarunta Q/Midoobay ee Dhuusamareeb (Sawirro)

Caydiid Ali

James Swan oo fariin muhiim ah usoo diray dadka Soomaaliyeed (Akhriso)

Cabdi Cade

Dowladda oo Shaacisay in howlgal qorsheesan lagu dilay in ka badan100 nin oo Al Shabaab katirsan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---