Allbanaadir.com
NEWS

Qarax caawa ka dhacay degmo ka tirsan Muqdisho

Dukaan iyo kaalin shidaan oo ku yaalla laamiga degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan halka loo yaqaan Guutaale ayaa goor dhaw lagu xiray qaraxyo miino oo waxyeelo geestay.

Sida xogta ku helnay labada qarax ayaa lagu xiray albaabada dukaan iyo kaalin shidaal lagu iibiyo , waxaana sababta goobahaan ganacsi loo qarxiyay lagu sheegay in ay yihiin in ay xirteen kaamirooyinka loo yaqaan CCTV.

Lama soo sheegin khasaaro nafeed oo ka dhashay qaraxyadan caawa Dayniile ka dhacay, waxaana kaliya bur bur xooggan soo gaaray goobaha ganacsi ee la qarxiyay.

Laamaha amaanka iyo maamulka degmada ayaan weli wax war ah ka soo saarin qaraxyadan noo la aaminsan yahay iney ka dambeyso Al shabaab

Related posts

Dowlada Itoobiya oo amartay in lasoo xiro Getachew Assefa oo baxsad ku jira

Cabdi Cade

Ciyaaryahan Caan ah oo u hiiliyay Muslimiin Dhibaato xoogan lagu hayo oo arintooda aan..

admin

War cusub oo kasoo kordhay nin shan gabdhood oo Soomaali ah dilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---