Allbanaadir.com
NEWS

DF oo Shaacisay in xalay Saqdii Dhaxe dagaal lagu dilay 30-nin oo katirsan Al Shabaab

War saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ka badan 30 ka tirsan kooxda Al-Shabaab xalay ciidanka dowladda ku dileen deegaanka Abooreey oo qiyaastii 25Km dhanka bari kaga beegan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa xalay abaaro labadii habeenimo saq dhexe dagaal kula galay dagaalyahanada Al-Shabaab deegaanka Abooreey, ciidanka xoogga dalka oo sii haayay xogta kooxdan ayaa dowladda sheegtay in ay gaarsiiyeen jab xooggan.

Deegaanka Abooreey oo ay dhowaan la wareegeen ciidanka xoogga dalka ayaa ahaa goob muhiim u ahaa marinka dagaalyahanada Al Shabaab ay isaga kala gudbi jireen deegaanada bari iyo qaybaha kale ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Milatariga Isra’il oo Gantaalo culus ku garaacay marinka Gaza (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya oo is casilay iyo Sababta keentay

admin

Axmed Madoobe oo soo xiray Kulan Wadareedka Dardar galinta Hiigsiga Xukuumada (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---