SSC oo dagaalka ku qabsatay goob istaraatiiji ah & ciidanka Somaliland oo..

Ciidanka SSC ayaa la wareegay halka loo yaqaano Maraaga ka dib dagaal culus oo saaka ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood

Maraaga waa bar kantrool oo muhim ah oo ku taala wadada laamiga ah ee isku xirta Laascaanood iyo Garoowe. Waxaa goobtaas gacanta ku heysay Somaliland, waxayna magaalada laascaanood u jirtaa 8 kilomitir.

Waxaa la soo sheegayaa in labada dhinac ay haatan ku dagaalamayaan agagaarka xerada Goojacadde oo ay leeyihiin ciidamada Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay SSC ayaa lagu xaqiijiyey in gaadiid dagaal iyo maxaaniis laga qabsaday ciidamada Somaliland saaka.

“Maleeshiyada maamulka gooni u-goosadka ah ee Somaliland ayaa weerar xoogan ku soo qaaday  magaalada Laascaanood iyagoo adeegsanaya madaafiicda, iyo tikniko. Maleeshiyada Muuse Biixi ayaa weeraradan  qorsheysan ka soo qaaday duleedka bari iyo galbeed ee Laascaanod, hase yeeshee, dagaalka oo wali socda shacabka xaq-u dirirka ah ee SSC-Khaatumo iyo ciidankooda ayaa jilbaha u aasay, dibna ugu celiyey maleeshiyada soo duushay meelihii ay markii hore weerarka ka soo qaadeen, guulo waaweyna waa laga gaaray, gaadiid iyo maxaabiisna  waa laga qabtay” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAAAFADEEDKA.

- Advertisement -