Allbanaadir.com
NEWS

Liiska dadkii la dhintay Prigozhin oo la shaaciyay iyo Nin Mareykanka xayiraad saaray oo ku jira

Shil diyaaradeed oo ka dhacay meel ku dhow tuullada Kuzhenkino ee gobalka Tver ee dalka Ruushka ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen toban qof uu ku jiro madaxii kooxda calooshoos u shaqeystayaasha ee Wagner.

Diyaarada oo bur burkeeda shaki badan hareeyay ayaa soo dhacday xilli ay hawada ku jirtay, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in diyaarada ay soo rideen ciidamada difaaca cirka ee Ruushka.

Hayádda duullimaadka rayidka ee dowladda Ruushka ayaa shaacisay in dhammaan ay dhinteen rakaabkii diyaarada saarnaa, waxa ayna hayádda soo bandhigtay magacyada tobanka qof ee shilkaasi ku geeriyooday.

Dadka ku dhgintay shilka diyaaradeed waxaa ku jira xubno aad ugu dhawaa madaxda kooxda Wagner, waxaana dadkaasi ku jira nin dowladda Mareykanka kusoo rogtay cunaqabateyn sababo la xariira ku lug lahaanshaha dagaalka Ukrane.

Dadka diyaarada bur burtay dhintay ayaa kala ah.

1- Madixii Shirkadda Milliteriga PMC Wagner Group (Private Military Company), Yevgeny Prigozhin,
2- Dimitry Utkin,
3- Sergey Propustin,
4- Yevgeny Makaryan,
5- Alexander Totmin,
6- Nikolay Matyuseyev iyo
7-Valery Chekalov

Duuliyaasha iyo shaqaalaha diyaarada ee iyana dhgintay ayaa kala ah :

1- Alexey Levshin, Duuliyaha Koowaad,
2- Rustam Karimov, Kaaliyaha Duuliyaha iyo
3- Kristina Raapopova oo ahayd U-Khidmaynta dadka Rakaabka.

Dowladda Ruushka ayaa shaacisay in ay socdaan baaritaanka sababta keentay bur burka diyaarada nuuceedu ahaa Embraer-153BJ (EBM-135BJ), waxaana shaki badan la galinayaa in shirqool lagu dilay madaxii Wagner iyo dadkii la socday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Kismaayo oo Muqdisho loo soo qaaday

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo War kasoo saaray Geerida Cabdullaahi Maxamed Shirwac

Cabdi Cade

Midowga Musharixiinta oo ku baaqay in Farmaajo loo aqoonsado qaswade (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---