Wararkii Ugu Dambeeyay Magacaabista gollaha Wasiirada iyo Madaxweynaha Xasan oo …

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in saacadaha soo socda laga yaabo in lagu dhawaaqo gollaha wasiirada xukuumada cusub uu Ra’isul Wasaaraha ka yahay Mudane Xamse Cabdi Barre.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday wadatashiyo ku aadan magacaabista gollaha wasiirada iyo xubnaha la filayo in ay kasoo muuqdaan xukuumadda cusub ee la dhisayo.

Sida aan wararka ku helnay gollaha cusub ee wasiirada ayaa la filayaa in la gaarsiiyo ilaa 30-wasaaradood laguna soo daro wasaarado cusub, waxaana gollaha wasiirada kasoo muuqan doona qaar kamid ah wasiirada xukuumadii hore iyo kuwa cusub.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan SheekhĀ  oo safar ugu maqnaa dalka Kenya ayaa lala sugayay magacaabista gollaha wasiirada, madaxweynaha ayaana maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana la filayaa in saacadaha soo socdo lagu dhawaaqo gollaha wasiirada.

Inta badan waxaa diyaarsan oo Madaxweynaha ,Ra’isul Wasaaraha iyo madax kalaba lskuĀ  waafaqeen xubnaha kasoo muuqan doona xukuumadda cusub, waxaana socda kaliya wadatashiyadii ugu dambeeyay ee ku dhawaaqista gollaha wasiirada.

Wasiirada cusub waxaa kasoo muuqan doona siyaasiyiin katirsan kooxda Damul Jadiid , kuwaa oo horey wasiirro usoo noqday iyo siyaasiyiin kale oo qeyb weyn ku lahaa ololaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -