Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Qarax khasaare geystay oo lagu weeraray ciidamada Kenya & faahfaahino ka soo baxaya

Ciidamo ka tirsan Millatariga dalka Kenya ayaa qarax lagula eegtay degaan hoos yimaada magaalada Lamu ee gobolka xeebta Kenya.

Ururka Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxan ayaa waxay tilmaameen inay qarax la heleen gaari ciidan oo marayay wadada xiriirisa Yad iyo Lamu.

Goob joogayaal ayaa sheegay in gebi ahaan uu burburay gaariga la qaraxa lala beegsaday, isla markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray ciidamadii saarnaa gaariga inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

Al-Shabaab war ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxay ku sheegeen in qaraxaasi ay ku dileen Askar  Kenyan ah, kadib markii gaari ay saarnaayeen ay la kacday miino loo dhigay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DFS oo sheegtay heshiiska ay wada gaareen Soomaaliya & Masar in loo badali doono ficil

Cabdi Cade

Magaalada Kismaayo oo Noqotay Marinka Qasa oo kale !!

Cabdi Cade

Musharax Madaxweyne oo Shaaciyay in lasoo gaarsiiyay Digniino Amni iyo Weeraro la qorsheeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---