Puntland oo raali gelin ka bixisay hadal caro dhaliyey oo ka soo yeeray C/wali Gaas (Akhriso)

Qoraal saaka kasoo baxay Madaxtooyadda maamulka Puntland ayaa raaligelin looga bixiyay hadal dhawaan Madaxweyne Gaas uu ka sheegay Magaalada Badhan, kaasoo loogu gefay shacabka degaanada Maamulka Koonfur Galbeed.

Warka kasoo baxay Madaxtooyadda maamulka ayaa lagu sheegay Puntland ay si dhamaystiran uga raali gelinayso Dawladda iyo Shacabka Koonfur Galbeed Ereyadii ay dhibsadeen ee ku jiray khudbadii Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee uu uga hadlayey Arimaha Al-Shabaab.

“Wiil ka yimid Xudur, Diinsoor iyo Buur-hakaba oo kaba dacas ah qaba inuu inta inoo yimaado nagu xukumo dalkayagii, suurtagal ma ahan,” ayuu yiri C/wali Gaas oo khudbad ka jeedinayey magaalada Badhan.

Dood ka dhalatay hadalkan uu jeediyay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Cabdiweli Cali Gaas ayaa si weyn ugu baahday baraha bulshada, iyadoo masuuliyiin ka soo kala jeeda Puntland iyo koonfur galbeed ay ereyo kulul isweydaarsadeen.

Hoos ka akhriso qoraalka raali gelinta ah ee Puntland ay soo saartay:

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -