Allbanaadir.com
NEWS

Haweeney aan Muslim aheyn oo loo heesto in Daacishta Soomaaliya ragga u qori jirtay

Maxkamad kutaalla dalka Kenya ayaa lasoo taagay haweeney u dhalatay dalkaasi, taas oo loo heesto in ay qori jirtay ragga raba in ay ku biiraan kooxda Daacish, gaar ahaan kuwa ka dagaallama bariga Soomaaliya.

Zuena Nakhumicha Machabe oo 34-sanno jir ah ayaa ku eedeysan in ay taageeri jirtay koox argagaxiso, waxaana haweeneydan aan muslim aheyn bishii July laga soo qabtay xadka Tanzaaniya iyo Sambia ay ku dhuumaneysay.

Haweeneydan ayaa lagu eedeeyay  in ay xiriir la leedahay kooxda Daacishta Soomaaliya ayna rag badan u qortay kooxdaasi, gaar ahaan kuwa ku sugan buuraha iyo deegaannada maamul goboleedka Puntland

Kooxda Daacish ayaa dagaalyahanno kasoo qorata dalalka Tanzaaniya iyo Kenya, waxaana marar badan xadka Soomaaliya iyo Kenya laga qabtay dagaalyahanno doonayay in ay ku biiraan kooxda Daacishta-Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo shaaciyay in Khaatumo lamid tahay maamul Goboleedyada kale

Cabdi Cade

Trump oo China saaray canshuur kale oo waali ah

Caydiid Ali

Itoobiya: “DF waxay ku kooban tahay Muqdisho oo kaliya”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---