Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Aadan Madoobe oo dhambaal ka gudoomay danjire Max’ed Ibrahim Yuusuf

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa  xafiiskiisa maanta ku qaabilay Safiirka dalka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Ibrahim Yuusuf.

Guddoomiyaha ayaa safiirka kala hadlay xoojinta  xiriirka walaaltinimo iyo midka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Waxaana uu sidoo kale ka guddooomay dhambaal salaan uu uga siday  Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita.

Danjire Maxamed Ibrahim Yuusuf ayaa Guddoomiyaha la wadaagay shaqada baaxada leh ka socota dalka, isagoo tilmaamay in Jabuuti ay kaalinteeda lama ilaawaanka ah ka geysan doonto la dagaalanka al-shabaab, iyo sidii dalka uu u noqon lahaa mid amnigiisa lagu kalsoonaan karo.

Safiirka dalka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Ibrahim Yuusuf ayaa bogaadiyay dadaalada ciidamada qalabka sida ee la dagaalanka Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo caawa shaacisay in duqeyn lagu laayay saraakiil iyo xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Khasaaro Dhimasho oo ka dhashay daadad xoogan oo xalay ku rogmaday magaalada Qardho

Cabdi Cade

Sargaal katirsan Booliiska oo loo heesto Musuq maasuq oo Maxkamad la horgeeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---