Elon Musk oo awaamiir cusub ku soo rogay dadka isticmaala barta Twitterka

Milkiilaha Shirkadda Twitter-ka Elon Musk ayaa soo saaray amaro cusub oo Twitter looga xaddiday tirada tweetska ee isticmaalayaashu ay akhrin karaan maalin kasta.

Musk ayaa sheegay in akoonnada aan la xaqiijin ay hadda ku xaddidan yihiin akhrinta 1,000 qoraal maalin walba

Hase ahaatee Acoonada cusub ee aan la xaqiijin, tirada ay akhrin karaan ayaa hadda lagu xadiday 500 oo qoraal sida uu sheegay Elon Musk oo qoraal soo saaray.

Dhanka kale, Akoonada leh heerka la xaqiijiyay ama calaamada buluuga ah ayaa hadda ku xaddidan 10,000 oo Boosti maalin kasta.

Maalqabeenka teknoolajiyada ayaa markii hore dejiyay xad adag, laakiin waa bedelay saacado gudahood markii uu ku dhawaaqay tallaabada.

Musk ayaa isticmaalayaasha Twitter-ka ku cadaadinayey calaamada Buluuga ah oo ah adeeg qof uu heli karin ilaa uu lacag-bixiyo taasoo ah bil kasta 8 Dollar.

Isticmaalayaasha ayaa bixin doona lacag si ay u helaan adeeg Twitter oo buuxa – iyo helitaanka qoraallo aan xadidnayn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -